XUMAANTA QABYAALADDA

QABYAALADDU WAA BOOG AAN BOGSANAYN

Qabyaaladdu waa mid ka mid ah cudurrada ugu daran ee galaaftay masiirkii, sharafkii, qabkii iyo dawladnimadii umadda Soomaaliyeed.

Qabyaaladdu waa erey ay tahay in ruux kasta oo Soomaali ahi uu ka caroodo marka uu magaceeda maqlo, waayo waa cadawga ugu ba’an ee hor joogsaday nolosheenna oo idil.

Qabyaaladdu waa dilaha nafta qofka Soomaaliga ah. waa in aynu ka dhirifnaa magaceeda, una aqoonsannaa bahal waxshi ah oo dhiiggeenna u oomman.

Qofka Soomaaliga ah ee qabyaalad u jeelqaba wali, waxa uu ka liitaa duunyada la dhaqdo xagga caqliga iyo garaadka, waana qof bahdilan oo aan ku kalsoonayn naftiisa, iskuna maaweelinaya dhalanteed iyo dhaan dabagaalle oo aan waligii waxba kasoo naasa caddaanayn, in lagusii halaagsamo mooyaane.

Qabyaaladdu waxa ay xummad jabin u tahay kuwa wax-iskuma-falayaasha ah ee markii ay waayaha nolosha wajihiwaayeen, wareerka haysta isku mootiya ereyada hantaataca miiran ah ee ay ka midka yihiin reer hebel baan ahay iyo annagu laandheere baynu nahay.

Waxaa layaab, ashqaraar iyo shaamareer ah qof aan koob shidaal ah dhulka kala soo bixikarin, faqrina ah, ku nool nolol dhankasta u liidata, shaqana aan haysan iyo waliba wixii uu berri quudanlahaa(mustaqbalka), gurigiisa aan nabad ku tagikarin, maalinkastana qof ehelkiisa ah hortiisa lagu dilayo, waxna aan u qabankarin, adduunkana looga yaqaan tuugsade noloshu ciishay, se isagu halkii uu is garanlahaa isku maaweeliya, naftana ku sasaba kaliya in uu laandheere yahay cajiib!

Waxaa intaas kasii argagax badan, dad kudhawaad nus qarni, waayajoog usoo ahaa xumaanta qabyaaladda iyo sida ay u naafaysay dhankasta oo nolosha ah, oo haddana usii heellan ku dhaqankeeda.

Taas waxaa ugu wacan bulshadeenna oo aan ahayn bulsho wax akhrisa xog ogaalna u ah taariikhdeeda, go’aankana ku qaadata hadba caadifadda hortooda taalla, dad dameeri dhaanraacday ah oo ciddii rabtaaba waxa ay u sheegto rumaysanaya maadaaba aanay war iyo wacaalba u hayn wixii shalay dhacay.

Dad hadba hog iyo haadaan dheer ka dhaca oo aan noloshu u qiyaasnayn, dibna aan isku weydiin wixii sababay hantaaturrooyinkii hore u dhacay, walina aanay ka kabsan ee ku hor gudban.

Cid kasta oo si xor ah u fikirta( waxaan ula jeednaa, waxaa jira dad aan maskaxda xor ka ahayn oo qof uu qabyaalad ka dugsanayo ama dangaara, u ah kabaqaad iyo adeece aan tuhun ku dhalan) qofkaas maskaxda xorta ka ah, waxaa usoo baxaysa in aynu nahay dad habaabay waaliduna ay biya dhigatay maankooda, dad ka leexday jidkii sunnada nolosha oo raba iyaga oo qalad ku socda in ay natiijo saxan keenaan, dad badankoodu ka weecday jidkii Eebbe wayne u abuuray in ay raacaan, Nebi Muxamadna (NNKH) uu u jideeyay, oo qabyaaladi diin u tahay, haddana raba in ay ahaadaan Musliimiin hagaagsan.

Cidkasta oo sidaas u fakarta xaqiiqadana ogaataa, waxa ay ku sigataa in ay Soomaalinimada nacdo ama fikir xagjir ah qaadato, kaas oo ku sababa aaminidda in Soomaalida wadada kaliya ee lagu sixikaraa tahay seef af badan iyo in inta xun laga sifeeyo, waase fikir kagasii dara oo baasiin kusii shuba halaaggii socday.

Sida ku cad Suuradda 49aad aayadda 12aad ee Quraanka Kariimka ah, waxa uu Rabbi innoo sheegay in qabiilku yahay summad iyo baadisooc, kaliya loogu talagalay in la isku aqoonsado, qofka innoogu mudanna uu yahay midka Eebbe weyne ka cabsooda ee si dhab ah u caabuda.

Waxaase nasiib darro ah in aan ku kalsoonaan la’nahay hadalka Rabbi oo aan innagu qabiilka u adeegsanno si ka duwan tii Alle u sameeyay kadibna uu innoogu caddeeyay aayado bayaansan, taas oo muujinaysa sida aynaan ugu kalsoonayn hadalka Rabbi oo aan shaki uga muujinayno aayaadka Eebbe weyne.

Mar haddii aan aaminsannahay in qabiilku yahay wax lagu kala sharaf badanyahay, waxa aan si cad u diidnay aayadda Rabbi uu innoogu sheegay waxa saxda ah ee qabiilku yahay.

UMMAD DHAN MA WAALANKARTAA?

Sida uu qoraaga weyn ee soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax, ku muujiyay buuggiisii caanka ahaa ee uu qoray sannadkii 2002, kaas oo magaciisu ahaa DAL DAD WAAYAY IYO DUNI DAMIIR BEESHAY, isaga oo soo xiganaya xeeldheeraha ku taqasusay cilmi nafsiga, Eric Fromm, waxa uu sheegayaa in bulsho idil waalankarto.

Haddii aynu soo xiganno Buuggaas dhawr bog oo ka mid ah waxa uu inna leeyahay qoraagu sida tan:

Ku-xeel-dheeraha cilminafsiga bulshada, Eric Fromm. buuggisa “The Sane Society’ (Bulshada Miyirka qabta) waxa uu ku qeexayaa in ay dhici karto bulsho dhan ama ummad idil in ay waalato, sida ay u dhici karto hal qof in uu waasho. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa Yurubtii joogtey Dagaalkii 2aad ce Dunida, taas oo uu ku tilmaamayo mujlamac miyir-gaddoomay (unsane society).

Haddaynu qirno waallidu in ay tahay cudur madaxa ku dhufan kara mujtamac dhan, shaki kuma jiro Soomaalida maanta joogtaa in ay tahay ummad waalatay ama mujtamac maan-doorsoomay. Wadar ahaan iyo waaxid ahaanba sidii aan u dhaqmayney dhawr iyo tobankii sano ee u dambeysey waa si muujinaysa in aan nahay dad is madax-maray, maskaxdoodu hawl gabtay, maankooduna fayoobi ka fog yahay.

Waallidu waa maanka oo doorsooma, ka dib marka maskaxda khalkhal galo ama ay u shaqayn kari weydo si caadi ah, sida ay u shaqayso marka ay fayowdahay.

Maskaxdaasi waxay noqon kartaa maskax hal ruux ama maskax wadareed (collective mind). Labada mid walba cudur waa gali karaa. Annaga midina nooma fayooba.

Been ma sheegin abwaankii ku heesay

“Soomaalidu way bugtaa

Besteed weeyoo la hubi.

Tixdu shaki ma galinayso in ay Soomaalidu bugto waxayse su’aalo

badan ka soo jeedinaysaa xubinta bugtadu asiibtay.

Halkan waxaan ku jawaab celinaynaa xubinta bugtaa waa tan ugu muhiimsan jirka, waa midda hadday bukooto aanu jirayn xidid caafimaad qaba: waa maskaxda, waxa bukooday waa maanka wadarced ee mujtamaca Soomaaliga ah. Maskaxdii baa khalkhal galay, maankii baa doorsoomay, miyir-qabkii baa dhintay. Waa sababta aan intaas oo sano u arki kari la ‘nahay irid looga baxo meehannowga iyo mugdi-ku-dirirka. Maskaxdii hagi jirtey xididka indhaha wax tusa ayaa shaqadeedii gabtay. “Dunidu maskax bay magan u tahay”Goormaa u dambeysey maskax Soomaaliyeed oo caadi u shaqaysa, maskax Soomaaliyeed oo ay ka soo baxaan wax lagu diirsado ama loo riyaaqo? Waa taas xaajadii dhaafi weydey “Tashan weydaye waa laguu talin!” Waa taas shisheeye marba dhays bakayle’ meel hor leh nugu qamaaminayo, min Sodre ilaa Mbagathi.

Qofka maskaxda cudur ka galo waxaa lagu yaqaan jar-iska-tuur iyo wax burburin, taas oo khasab ka dhigta in la garba-duubo, ama meel lagu xiro. Wadarta waalataa waa sidoo kale. Waa sababta wixii in dhaweyd maskax Soomaaliyeed ka soo baxaaba u ahaayeen is burburin iyo colaad uun. Waa astaamaha lagu garto maskaxda bugta.

Haddii ay maskaxdeenu fayoobaan lahayd ma dhacdeen dhawr iyo tobankii sano ee lagu walaahoobayey nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya in la waayo wax Soomaali ah oo cod wadareed adduunka ugu soo jeediya hindise ama fikrad maskax Soomaaliyeed ka timi oo looga amba-qaado nabadaynta dalka. Markii taa la waayey waa tan marba

qolo ajnabi ah ay dusha ka keenayso hindise dhalanteed ah, Soomaalidana loola dhaqmayo sidii xoolo ul lagu xeraynayo ee marba lagu sandullaynayo waraaqdaan saxiixa! “Laxiba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa”.

Dhawr iyo toban milyan ayaa dhawr iyo toban sano waxaa laga la’yahay, dhawr qof oo waxgaradnimo iyo daacadnimo isku urursata oo horseed u noqota codkii ummaddaan ee ku baaqayey badbaadinta dalka,

sidii ay dhawr iyo konton sano ka hor yeeleen dhawrkii nin ee dhawr iyo tobanka noqday (13); waxaan u jeedaa raggii dhidibbada u qotomiyey dhaqdhaqaaqii SYL ee Soomaalida gaarsiiyey heer ay noqoto dowlad calan leh.

Miyay dhalma-deysey ummaddii beri dhali jirtey raga caynkaas ah?! Liidnimada ay maanta ku sugantahay ma aha wax caadi ah. Waa wax lagu tilmaami karo aafo ku habsatey, aafo bilowgiiba maskaxda beegsatay ka dibna aan beer reebin. Waxay naga dhigtay mas madixii laga

dilay. Aafadani waxay nabaad-guurisay hal-abuurkii iyo hindisihii firfircoonaa ee Soomaalida lagu aqoon jirey waayadii maskaxdeedu caafimaadka qabtey.

Qofka waalan caada ahaan isma oga in uu waalanyahay, haddii loo sheegana ma qirtee wuu ka xanaaqaa. Wadarta waalataa waa sidoo kale. Bulsha ahaan waxaan

isu haysannaa in aan caadi nahay laakiinse ma nihine waxaan nahay ummad maskaxda cudur ka galay. Marka jirku xanuunsado, jeermiguna xubnaha ku fido ma jirto meel fayow. Taa waxaa la mid ah ummadda uu asiibo cudur bulsho kuma jiro qof bed qaba. Qofba waallidu

heer ha u joogtee waxaa la oran karaa ma jiro maanta qof Soomaaliya ku abtirsada oo ay maskaxdiisu boqolkiiba boqol fayowdahay ama u shaqaynayso si caadi ah.

Sababihii cudurkan keenay iyo cidda ka masuulka ah hadda ma galayno, waxaase muhiim ah in la garto jiritaanka bugtada, halka ay fadhidana dawo lala beegsado. “Cudurkaagoo aad garataa waa caafimaad bilowgi”. Nasiib wanaag cudurkani waa cudur dunida

dadyow badan hore u soo maray wuxuuna ka mid yahay cudurrada la daweyn karo, waase haddii la fahmo lana qirto jiritaankiisa ka dibna lala tacaalo, sida cudurrada

kale ce dilaaga ah, haseyeeshee dawada leh. Dawada waallidu waa maanka oo la dhaqan-celiyo iyo maskaxda oo tartiib tartiib dareen cusub loogu dabiibo.

Haddaba sida uu qoraagu diirka uga qaaday, daliillo cadna u dul saaray, in ay bulsho dhan maanka beelikarto ayaan orankarnaa waa waxa inna haysta ka soomaali ahaan. Oo dhammaanteen waxa aan beelnay barta laga nuuxsado oo maskaxda ah. Waxa aan noqonnay ummad wada jirratay se aan wali garan in ay jirrantahay, taasina waa midda ugu daran ee ka qof ahaan ama bulsha ahaanba inna haleeshay maadaaba aan xanuunsannahay balse aynaan ogeyn xanuunka nahaya.

Waa dhibaato aad u weyn in xanuun ku hayo oo aad ildarantahay se aan lagugu karayn in aad dawo qaadato oo lagu dabiibo maadaaba aadanba aaminsanayn in aad xanuunsantahay. Hankan, waxa aan orankarnaa soomaalidu dhammaan waxaa ku dhacay xanuun xagga dhimirka ah balse waxaa cilladi ka joogtaa sidii loogu sheegilahaa in ay xanuunsanyihiin iyo ciddii la tacaalilahayd.

By: Maxamed Garaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *